Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Madaxweynaha kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarah, Maxaa Taliye Nabadsugid siyaasad geliyay….”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Madaxweynaha kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarah, Maxaa Taliye Nabadsugid siyaasad geliyay….”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dood ka keenay qaabkii loo qaban qaabiyay Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay, isagoo si weyn u dhaliilay in kulankaas uu garwadeen ka noqdo Taliyaha NISA, halkii ay aheyd inuu Ra’iisul Wasaaraha kulanka qaban qaabiyo.

C/raxmaan C/shakuur oo xalay ka hadlayay Munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay dalka Jarmalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Taliye Nabadsugid uu Madaxweyne u wakiisho inuu u raadiyo Madaxweynayaal hore, iyadoo uu joogo Ra’iisul Wasaarihii ay isku deegaanka ahaayeen Madaxweynayaashii hore.

“Waxaa layaab ah maanta oo dhan waxaa lagu leeyahay dowladda waa isla socotaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa isla socdaan, Madaxweynayaashi hore iyo Farmaajo kulankooda waxaa garwadeen ka ahaa Taliyaha Nabadsugida, waxaa Madaxweynayaashi hore waxaa soo raadiyay waa Taliyaha NISA oo u tagay oo yiri dhex dhexaadin ayaa galaa oo Madaxweynaha inaa la kulantiin ayaa rabaa, waa dulqaad badan yihiin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waana ku amaanayaa, iyadoo Madaxweynaha intii uu Nairobi joogay ayuu soo afgalaadeeyay ayay hadana la kulmeen, iyagoo danta dalka eegaya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

“Aaway Ra’iisul Wasaarihii, inlee Soomaalida 4.5 ayay wax ku qeybsadaan, Madaxweynayaashii hore waxay isku deegaan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, maxaa Taliyaha Nabadsugida u soo qabanayaa kulankaas oo Madaxweynaha loogu keenayaa, dalkana waxaa naloo sheegayaa inuu Ra’iisul Wasaare leeyahay, kulankii Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweyne Farmaajo qeyb kama aheyn Ra’iiul Wasaaraha, haddii Madaxweynaha ku soo fashilmay inuu qanciyo dadkii ay isku deegaanka ahaayeen sida Jubbaland iyo Puntland, Ra’iisul wasaaraha uma ogolo inuu la xaaltamo dadkiisa, taliyaha Nabadsugida ayuu ku kalsoon yahay oo shaqada soo qabanaya, kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarihiisa siyaasada sida ay isku leeadahay ayaa rabnaa in looga hadlaa , Taliye Nabadsugid shaqadiisa ma ahan siyaasad”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur oo sii hadlayay ayaa yiri “xilalka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu salleeyay qaab awood qeybsi ah oo ay ku kala matalayaan deegaan ahaan, haddii Labada Madaxweyne oo ka soo jeeda Muqdisho, cida la xaajooneysa waxay aheyd inuu yahay Ra’iisul Wasaaraha ee ma ahan inuu la xaajoodo Taliyaha Nabadsugida, shaqo nabadsugid ayaa ku ognahay, ee siyaasad kuma ogni.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAA ISKA CAADI WAY DHACDAA.
    MEEL ISKOOL LAGA FURAYO BAANU U DIRAA WASIIRKA GAASHAANDHIGA HADAANU DOONO.
    WASIIRKA GAADIIDKANA WAXAANU U DIRAA XAFLAD CAAFIMAADKA LAGAGA HADLAYO.
    WAYSKA CAADI MEEL MASHAQO KA DHACAY BAANU WASIIRKA CIYAARAHA U DIRAAA SIDAA DARTEED MABA NOOKALA SOOCNA HAWLUHU….
    SIDAAS WAXAA DHAHDA XUKUUMADA FARMAAJO & KUWII KA HOREEYEYBA & M/GOBOLADEEDABA.
    KKKKKKK.
    WAA DAWLAD BEERKA KA RARAN!!!.
    LAYAAB MA LEH OO 30 SANO BAY TANI BILAA DAWLAD AHAYD.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com