Taliyaha Ciidanka Badda oo la Amray in uu dalka ka bixi karin

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Badda oo la Amray in uu dalka ka bixi karin

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu u diray Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya & Taliyaha Booliska

Al-shabaab iyo kooxda Macawiisley oo ku dagaalamay gobolka Bakool
Puntland oo degaanadda Gobalka sanaag Mashaaric hormarineed ka fulisay (dhegayso/daawo)
RW khayre oo la shiray Guddiga ka hortaga & Wacyigalinta Covid-19

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu u diray Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya & Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde ku amray in aanu safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir

Sida qoraalka lagu sheegay Cabdixamiid ayaa qorsheynaya inuu dalka uga fakado si degdeg ah ayada oo loo heysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn oo uu ku kacay sida ku xadgudubka Madaxda qaranka.

“Hadaba si loola xisaabtamo sarlkaakaas fursadna loo siiyo muwaadiniintaas xaqu ka maqan yahay in ay usoo gudbiyaan cabashadooda hay’adaha garsoorka sarkaalkaasi kama safri karo dalka ayaa lagu yiri” Warqadda kasoo baxday Wasiirka Amniga.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan Warbaahinta kasoo muuqday, isaga oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: