Taliyaha Cidamada PSF ee uu magacaabay Madaxweyne Deni oo sheegay in  la badalay tuutihii Ciidanka

HomeWararka

Taliyaha Cidamada PSF ee uu magacaabay Madaxweyne Deni oo sheegay in la badalay tuutihii Ciidanka

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa shaaca ka qaaday in deriiska Ciidanka Hay’adda PSF ee tuutaha uu ka b

Mashruuca wadada Qardho iyo B/Bayla oo la daah furay (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa shaaca ka qaaday in deriiska Ciidanka Hay’adda PSF ee tuutaha uu ka bedelay Ciidamadaas, isagoo ka hadlay sababta keentay arrintaas.

Agaasime Amiin Kheyr oo khudbad u jeedinayay Ciidamo ku sugan Saldhig ku yaalla buuradeyda Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegay inuu bedelay Tuutihii dharka ahaa ee horey u xiran jireen PSF oo dagaal kula jira kooxaha kasoo horjeeda Puntland.

Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr ayaa sababta uu u bedelay Tuutaha ku sheegay inuu faraha ka baxay, isla markaana uu gacanta u galay wax uu ugu yeeray cadowga, sidaas darteedna la beddelay.

Ma uusan caddeyn cadowga uu S/Guuto Amiin Kheyr tilmaamay inuu gacanta u galay Tuutihii Ciidanka PSF, in kastoo uu xusay in Ciidankii iyo Cadowgii la kala garan waayay, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF.

Agaasime S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaan weli si rasmi ah ula wareegin xilka Taliska hay’adda, waxaana xilkaas diiday inuu wareejiyo Agaasimihii hore ee PSF Maxamuud cismaan Diyaano.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: