Dowladda oo ka  hadashay Dagaalkii Balcad

HomeWararka

Dowladda oo ka hadashay Dagaalkii Balcad

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,

Dhallinyaradda Awdal State & Gumaysiga Somaliland
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Beesha Geri Koombe oo ku biirtay difaaca Laascaanood

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka degmada iyo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Bara Koontaroolo oo Ciidanka ku leeyihiin Balcad, kadibna uu dhacay dagaal xoogan.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in dagaalkii dhacay uu ka dhashay dagaalka isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna sheegay in madaafiicda iyo rasaasta la isku adeegsaday ay ku dhinteen shan qof oo Rayid ah, ayna ku dhaawacmeen tirro kale.

Waxay intaas kusii dareen Saraakiisha in dagaalka ay Al-shabaab uga dileen 9 xubnood oo kamid ahaa raggii saakay weerarka kusoo qaaday degmada Balcad, waa sida uu hadalka u dhigeen Saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga oo aan sheegin inuu dhankooda khasaaro gaaray.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaalka ay ku dileen hal Askari, halka saddex kalena ay dhaawacyo soo gaareen, ayna gacanta ku dhigeen Saldhiga degmada Balcad iyo xarumo kale, kana qaateen gaari nooca raaxada iyo agabyo kale oo uu lahaa Maamulka degmada..

Xaaladda degmada Balcad ee Gobolka Shababeellaha Dhexe ayaa hadda daggan, waxaana halkaas howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada Ciidanka dowladda iyo kuwa ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika gaar ahaan Burundi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: