Wararkii u dambeeyay dagaal Saaka ka dhacay Balcad

HomeWararka

Wararkii u dambeeyay dagaal Saaka ka dhacay Balcad

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa isaga baxay qeybo kamid ah degmada Balcad oo ay saaka waaberigii qabsadeen kadib dagaal ka dhacay. Illaa shan askar

Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
C/raxmaan C/shakuur: Waxaa jira Xildhibaano Olole ugu jira muddo kordhin loo sameeyo.
Dekedda Bossaso oo maalintii labaad hawlgab ah (dhegayso)

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa isaga baxay qeybo kamid ah degmada Balcad oo ay saaka waaberigii qabsadeen kadib dagaal ka dhacay.

Illaa shan askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga ayaa ku dhimatay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Wararka waxa ay intaa ku daryaan in hoobiye uu ku dhacay guri ay degenaayeen qoys shacab ah waxaana ku dhaawacmay afar carruur ah oo walaalo ah.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in xaalada ay caadi ku soo laabatay magaalada.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raagge iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybta 27aad ee xoogga dalka ayaa gaaray magaalada Balcad.

Degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle. Waxay qiyaastii 37 kiiloomitir waqooyi-bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0