Taliyaha CXDS:  “Saraakiisha ciidanka waa in aysan ku milmin siyaasadda”

HomeWararka

Taliyaha CXDS: “Saraakiisha ciidanka waa in aysan ku milmin siyaasadda”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raageoo oo kulan la qaatay dhammaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa amra

Khudbadii taliyaha ciidanka ee xukska maalinta Ciidanka
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wariye Cumar Dheere oo Maxkamad La’aan Habeenkii Labaad Garoowe ku Xiran (dhegayso)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raageoo oo kulan la qaatay dhammaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa amray in aysan ku milmin siyaasadda, islamarkaana ay noqdaan ciidan qaran.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka looga baahan yahay in aan loo adeegsan siyaasad, islamarkaana ay iska diidaan ficilada halista ah ee dalka burburin kara.

Taliye Odawa ayaa caddeeyay in ciidanka ay usoo jeestaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay ka waantoobaan waxaa uu ugu yeeray qaadashada amaro qaldan oo aan shaqadooda aheyn.

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo go’aanka taliyaha ee ah in ciidanka aysan ka qeyb galin dagaalka.

“Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: