Taliyaha CID-da Gobolka Mudug ee Puntland oo isku day dil ka badbaaday

Taliyaha CID-da Gobolka Mudug ee Puntland oo isku day dil ka badbaaday

Waxaa xalay iskuday dil ka badbaaday L/X/le Mahad Cabdi Jaamac Taliyaha CID gobolka Mudug, xilli uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

War kasoo baxay taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in taliyaha CID-da ay Kooxo hubeysan kusoo warareen magaalada Garowe, balse weerarkaas uu ku dhaawacmay mid kamida ilaaladiisa.

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka uu socdo baaritaan la xiriira cidda ka dambeeysay weerarkaas la doonayay in lagu dilo Taliyaha CID gobolka Mudug L/X/le Mahad Cabdi Jaamac.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland, waxaana degan Madaxda ugu sareeysa Maamulkaasi Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com