Taliyaha CID-da Gobolka Mudug ee Puntland oo isku day dil ka badbaaday

HomeWararka

Taliyaha CID-da Gobolka Mudug ee Puntland oo isku day dil ka badbaaday

Waxaa xalay iskuday dil ka badbaaday L/X/le Mahad Cabdi Jaamac Taliyaha CID gobolka Mudug, xilli uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nug

Boosaaso: Wacyigalinta Covid-19 iyo Doorka Dhalinyarada (Sawirro)
DAREEN 6aad: Abaarta SIMA iyo Saamaynteeda
Iskuulada iyo Jaamacadaha Bosaaso oo maanta lafuray (dhegayso)

Waxaa xalay iskuday dil ka badbaaday L/X/le Mahad Cabdi Jaamac Taliyaha CID gobolka Mudug, xilli uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

War kasoo baxay taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in taliyaha CID-da ay Kooxo hubeysan kusoo warareen magaalada Garowe, balse weerarkaas uu ku dhaawacmay mid kamida ilaaladiisa.

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka uu socdo baaritaan la xiriira cidda ka dambeeysay weerarkaas la doonayay in lagu dilo Taliyaha CID gobolka Mudug L/X/le Mahad Cabdi Jaamac.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland, waxaana degan Madaxda ugu sareeysa Maamulkaasi Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: