Ciidamo loogu talo galay la dagaalanka Al-Shabaab oo la soo bandhigay

HomeWararka

Ciidamo loogu talo galay la dagaalanka Al-Shabaab oo la soo bandhigay

Ugu yaraan 30 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee G

Wacaal Darey ah: Roobab dabaylo wata oo ku soo wajahan Puntland
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta

Ugu yaraan 30 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Ciidankaan ayaa loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada lagu doonayo in Al-Shabaa looga saaro degaannada kuyaalla bariga gobolka Galgaduud.

Saraakiisha & Mas’uuliuiinta kale ee la socota Ciidamada ayaa sheegay in hadda loo diyaarsan yahay iska xorreynta Al-Shabaab, isla markaana dhawaan ay howlgelli doonaan.

Dhawaan Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee hubka qaatay ayaa la wareegay degaano kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduuda, sida Wabxo, Warxoolo & degaano kale wallow ay dib uga soo baxeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: