Taliyaha Booliska Soomaaliya oo fafaahin ka bixiayay weerarkii huteelka Xayaat 35 saac kadib

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo fafaahin ka bixiayay weerarkii huteelka Xayaat  35 saac  kadib

Taliyaha booliska Soomaaliya Xijaar ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda ay weerarka kasoo badbaadiyeen dad gaaraya 106 ruux , xilligii uu weerarka bilaabanayay, isagoona tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay qaraxyada.

“Muddadii uu howlgalka socday hay’adaha amniga waxay xooga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd waxa ayna ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 ruux oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in tirada guud ee dadka halkaas ku dhintay kuna dhaawacmay ay wasaaradda caafimaadka xogtooda soo gudbin doonto.

Hoteelka ayaa si xooggan u burburay ka dib markii habeenkii Jimcaha iyo Sabtidii ay ciidamada ammaanku ku duqeeyeen bambaanooyin xooggan, iyadoo muuqaallada laga soo duubay ay muujinayaan holac iyo qiiq ka baxayay saqafka sare ee hoteelka.

Agaasimaha isbitaalka Madina magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xaruntooda lagu daweynayo ugu yaraan 40 qof oo ku dhaawacmay weerarka hotelka iyo hoobiyeeyaal kale oo lagu weeraray goobo kale oo ka tirsan caasimadda.

Ururka Al-Qaacida oo gacan saar la leh Al-Shabaab ayaa dagaal muddo soo jiitamayay kula jira dowladda Federaalka.

Kooxdan ayaa ka talisa inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, balse waxay awood u yeelatay inay awoodeeda ku fidiso goobaha ay ka taliso dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com