QM oo sheegtay inay garab taagan tahay dadka ku waxyeelooba weerarada Al-Shabaab

HomeWararka

QM oo sheegtay inay garab taagan tahay dadka ku waxyeelooba weerarada Al-Shabaab

War kasoo baxay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maanta la xusayo maalinta caalamiga ah ah ee xusuusta dhibanayaasha Arg

Warka Arooryo iyo Jaamac cRaxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Khasaaraha weerarkii Kenya oo kordhay, dhimashada ayaa gaartay 21 qof

War kasoo baxay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maanta la xusayo maalinta caalamiga ah ah ee xusuusta dhibanayaasha Argagaxisada, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sharaftay Soomaalida badan ee ay Rabshadahaas gacan ka hadalku saameeyeen, waxayna ku baaqday in iyaga iyo qoysaskoodaba loo fidiyo gurmad deg deg ah iyo weliba taageero muddada dheer ah.

“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugtaa iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: