Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo Dhaariyay Xildhibaan Sharafeed Golaha shacabka katirsan

HomeWararka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo Dhaariyay Xildhibaan Sharafeed Golaha shacabka katirsan

Kulanka golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta golaha Shacabka ee magaalada muqdisho, kaas oo shi

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Dagaal kadhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug (dhegayso)
Waddo kamid ah waddooyinka Bossaso oo la dayactirayo, kaddib barnaamijyo iyo farriimo ka baahay Radio Daljir (sawiro)

Kulanka golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta golaha Shacabka ee magaalada muqdisho, kaas oo shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

Kulanka ayaa ajandihiisu yahay dhaarinta Xubin sharafeedka Golaha Shacabka ee aan dhicin kaas oo noqonaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ay kasoo horjeesteen in la dhaariyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo kulanka furay ayaa sheegay in 11 mudane oo katirsan golaha Shacabka ay u soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah in la dhaariyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi farmaajo, hayeeshee guddoomiyaha uu sheegay in dhaarta ay soconeyso qofkii tabasho qabana laga wada hadli doono,

XildhibaanCabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka dhankiisa ayaa sheegay in uu kamid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mooshinka gudbiyay, wuxuuna sheegay in Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa Mas’uulkii bixiyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa Bishii December askar badana looga dilay.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiintii kale ee qeybta ka ahaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay cafis ka dalbadeen, balse Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo mas’uul ka ahaa uusan weli ka hadlin.

Intaas kadib Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in cod loo qaado mooshinka ay keeneen Xildhibaannnada ee ah in ajandaha Maanta laga saaro dhaarinta, waxaana Xildhibaananda ay badi u codeeyeen in Ajandaha aan wax laga bedelin, isla markaana la dhaariyo Farmaajo, waxaana u codeeyay in la dhaariyo 146 mudane afar ayaa diiday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Golaha Shacabka hortooda waxaa Maanta loogu dhaariyay Xildhibaan sharafeed aan dhicin, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii labaad ee loo dhaariyo Xildhibaan sharafeed, waxaana ka horreeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: