Taliska Maraykanka ee AFRICOM oo ka hadlay Duqayn ay ka fuliyeen Jubbada Hoose.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM oo ka hadlay Duqayn ay ka fuliyeen Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 17-kii Bishaan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan Waqooyi Galbeed ka xiga Magalada Kismaayo,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana weerarkaas ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,hayeshee aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Ugu dambeyn Warka AFRICOM ayaa lagu soo geba-gabeeyay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ilaa iyo inta Mas’uuliyadda amniga dalka ay ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerarkaas kazoo saaray war ka duwan kan Mareykanka,waxaana taliyaha Ciidamada xoogga dalka uu sheegay inay weerarkasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-Jadiid oo u dhow Buundada Araare ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab halka mid ka mid ah ay nolosha kusoo qabteen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com