Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Maamulada KFS & Hiirshabeele

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Maamulada KFS & Hiirshabeele

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho

Jigjiga: Shacabka oo ku Afuray Bartamaha Magaalada (sawirro)
Warbixinta Tartan & Tacliin: Bursaalax Sare fkf Boocame Secondary iyo Waliba …
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Catriona Laing u magacaabay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Casha Sharaf ugu Sameyey Madaxweyniyasha Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed Iyo Hirshabeele kaasi oo ahaa Sidii Wada Shaqayn Wanaagsan ay udhexmari lahayd Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen )ayaa Uga Mahadceliyey Gudoomiyaha Casha Sharafta uu Usameyey Waxaana uu Tilmaamay Kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahaan in ay kala Shaqayn Doonan Sidii ay iska Kaashan lahayeen Hormarka iyo Nabadaynta Caasimada Dalka iyo Sidii Xariir Dhow ay uyeelan lahayeen Maadama Caasimada Soohin ay la leedahay Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa Sido kale Gudoomiyaha Uga Mahadceliyey Sida Wanaagsan ee u casuumay Waxaana uu Tilmaamay in kan Dowlad Goboleed ahaa Si Dhow ay ula Shaqayn Doonan Mamulka Gobolka Banaadir maadama Hirshabeele Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir ay yihiin Gobolo Deris ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: