Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Safiirka Ruushka ee dalka Soomaaliya.(Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood.

Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay adkeyneyso xariirka qotada dheer ee kala dhexeeyay dowladda Ruushka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com