Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno katirsan Al-Shabaab

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno katirsan Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanada Wagaade, Mushaani, Kabtanlaay iyo kuwa kale oo hoos yimaada degaanka janaale oo katirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ururka 83-aad gaashaanle Nuuradiin Macalin Xuseen, ayaa warbaahinta Codka Ciidamada Qlabka sida u sheegay in Ururka Al-Shabaab ay ka dileen Xubno badan, halka dhawac uu gaarayo in ku dhow 20 kale.

Ciidanka xoogga oo fulinaya amarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa dardar geliyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu yiri” Taliyaha.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgalka ilaa Al-Shabaab ay ka saarayaan dhammaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolada, Hiiraan, Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Amar ku bixiyay in la bilaabo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com