Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

HomeWararka

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah in Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shacab

Madaxweyna Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawiro)
Warka Caweysin iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)
Somaaliya oo ka Qaybgalaysa Bandhig Hiddaha & Dhaqanka Masar ka Dhacaya (dhegayso)

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah in Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ku wargeliyay qabsoomida kulanka, iyaga oo ugu baaqay inay kulanka soo xaadiraan, waxaana ajandayaasha kulanka ay kala yihiin.

1. Dhageysiga Warbixin dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana ka warbixin doona Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

2. U codeynta labada Habdhowre ku-Xigeen ee magacaaban.

3.Doorashada xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib- u- Eegista Dastuurka ee Golaha Shacabka.

4. Xiritaanka kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka – BF.

Geba-gabada Kulanka ayaa waxaa soo xirmi doono kal-fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada ay geli doonaan fasax Natasha ah oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla ajandayaal & sharciyo dhowr ah, kuwaas oo u baahan inay dood ka yeeshaan kadibna ay ansixiyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: