Suldaanka Guud ee beesha Warsangeli iyo Isim beeleedyo la saftay Muuse Biixi

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Suldaanka Guud ee beesha Warsangeli iyo Isim beeleedyo la saftay Muuse Biixi

Xilli Somaliland ay qarka u saarantahay burbur, madaxweynaheediina ay ku socoto cadaadis bulsho iyo mid caalaami, shalay oo u danbeysana dawladda Mare

Prof Daqarre: “Shirka Kismaayo waa mid madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu ay ku doonayaan waqti kororsi” (dhegayso)
Taariikhda gobolka Sanaag iyo Saldanadii faca weyneyd ee Soomaaliya (dhegayso)
Ra’ayiga dadweynaha Gaalkacyo: Barlamaanka Puntland Garoowe ha laga raro

Xilli Somaliland ay qarka u saarantahay burbur, madaxweynaheediina ay ku socoto cadaadis bulsho iyo mid caalaami, shalay oo u danbeysana dawladda Mareykanku siisay digniin ay farayso in uu degdeg ciidamadiisa ugala baxo Laascaanood, qabtana doorashooyinkii Somaliland, ayaa waxaa sii xoogeysanaya xiriirka Muuse biixi iyo Suldaanka Guud ee beelaha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Beesha Warsangeli oo ka dhiidhiday duullaanka iyo xasuuqa Somaliland ay kula kacday bulshada Laascaanood ayaa si buuxda u taageeray SSC-Khatumo, una diray ciidan xooggan oo difaaca Laascaanood safka hore kaga jira. Suldaan Siciid oo aan raali ka ahayn in ciidan lagu taageero SSC-Khatumo, una edkaysan waayey cadaadiska bulshada uu hogganka u yahay ayaa hadda deegaan ahaan u wareegay daanta galbeed ee Ceerigaabo oo ay degto beesha Isaaq Bari.

Booskii hoggaamineed ee Suldaan Siciid Suldaan Cadisalaan oo siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba bannaanaadey ayaa hadda u muuqda mid ay la wareegeen qurbajoogta beesha Warsangeli, siiba qurbajoogta beesha ee Waqooyiga Ameerika iyo Ingiriiska.

Dhammaadkii bishii hore ayaa Daljir xaqiijisay in Suldaan Siciid iyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ku heshiiyeen in beesha Warsangeli laga baajiyo taageero ay u fidiso halganka difaac ee beelaha SSC-Khaatumo. Ilo xogogaal ah oo ka agdhow Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa Daljir u xaqiijiyey in Suldaanku uu ishortaagey ciidamo beesha oo ka soo ruqaansan lahaa Sanaag, khaasatan ciidamada ku sugan degmada Xingalool ee ku hubeysan qoryaha gantaalada culus ee loo yaqaan BM21.

Badi ciidamada beesha Warsangeli ayaa ka amardiidey Suldaan Siciid, sidoo kale dhallinta beesha, daljoog iyo qurbojoogba, waxay si joogto ah u hadalhayaan, una dhaleecaynayaan tallaabada suldaankooda oo ah mid ka duwan kuwa beelaha Harti oo ku mideysan difaaca iyo u hiilinta beelaha SSC iyo Halgankooda.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan keli kuma aha taagerada Hargeysa oo waxaa jira Isimo beeleedyo iyaguna aad u taageersan hoggaanka Muuse Biixi oo ay ka midyihiin Suldaan Maxamed Xasan Cali Jibriil, suldaanka beesha Aadan Siciid. Saas oo ay tahay, beesha Aadan Siciid waxay aheyd beeshii ugu horreysey ee Warsangeli ee ciidanka u soo dirtay difaaca Laascaanood, iyada oo si toos ah uga hortimid rabitaanka Suldaanka beesha.

Suldaan Maxamed Xasan Cali Jibriil, suldaanka beesha Aadan Siciid, oo sida Suldaan Siciid asna u edkaysan waayey cadaadiska beeshiisa, ayaa isna u digorogtay oo haatan deggan Hotel Hargeysa ku yaal.

Islaanka Beesha Warlabe, Islaaan Xuseen Cabdisalaam Dhiif, ayaa isna kamid ah taageerayaasha Muuse Biixi, asaga oo ka soo haajiray gobolka Sanaag, haatana Hargeysa Hoteel ka deggan.

Sidoo kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullahi Carta, Suldaanka Beesha Dubeys, oo isna kamid ah taageerayaasha Muuse Bixii, ayaa isna indhawaalaba degganaa magaalada Burco.

Dhammaan Isimada kore ee beesha Warsangeli ayaan illaa iyo hadda wax taageero ah u muujin difaaca Laascaanood iyo halganka SSC-Khatumo, laakiin ka agdhawaanshahooda Muuse Biixi uu mujinayaa taageerid siyaasadda guracan ee Somaliland.

Diiwaanka Daljir

Ceerigaabo in the crosshairs as Sool region is about to be liberated

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: