Taariikhda gobolka Sanaag iyo Saldanadii faca weyneyd ee Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Taariikhda gobolka Sanaag iyo Saldanadii faca weyneyd ee Soomaaliya (dhegayso)

Gobolka Sanaag waxaa uu kamidyahay 18ka gobol ee Soomaaliya, waana gobolka labaad ee ugu baaxadda weyn gobolada Soomaaliya. Gobolka Sanaag waxa uu lee

Daljir & BBCMA: BARAARUGA Haweenka Taxanaha 57aad | (daawo)
MUQDISHO | oo maalintii Labaad siweyn looga ciiday
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 87aad (dhegayso)

Gobolka Sanaag waxaa uu kamidyahay 18ka gobol ee Soomaaliya, waana gobolka labaad ee ugu baaxadda weyn gobolada Soomaaliya. Gobolka Sanaag waxa uu leeyahay taariikh soojireen ah, ahaana saldhigga Saldanada xilligii gumeystaha Ingiriiska, walloow aan saldanada Sanaag marnaba la gumeysan.

Haddaba aan dhegayste idin la qaybsano taariikhda guud ee gobolka Sanaag iyo saldaniddii uu Ingiriiska uga danbeeyey dhulkii uu markaas xukumayay, isla markaasna ka hortimid in dhulkeeda la gumaysto, dagaalo badana la gashay gumeystaha Ingiriiska, xiriir dhowna la laheyd saldanooyinkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Taleex iyo tii Boqor Cusmaan ee Baargaal.

Waxaa barnaamijka idiin diyaariyey Daljir  Sanaag, xarunta cusub ee Radio Daljir, aadna ka dhegaysan karto mowjadda FM-ka ee 88 MHz ee magaalooyinka Ceerigaabo, Hadaaftimo, Laasqoray iyo Badhan.

Barnaamijka waxaa si wadajir ah idiin ku daadihinaya Maxamed Xasan Dhalo iyo Xuseen Cabdi Jimcaalle Madar.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: