Ankara, October 2, 2013 – Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in ay sii wadayaan qorshahooda gooni isu-taaga ee wakhtiga dheer ay u halgalamayeen, xili ay dhowaan bilowdeen wada hadalo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulkaas.
Madaxweynaha Soomaaliland Axmed maxamuud Siilaanyo oo haatan ku sugan dalka Turkiga ?ayaa sheegay in dowladda Soomaaliland aysan marnaba dib uga noqonayn mowqifkii ay horay u taagnayd ee gooni isu-taaga.
Waxaa uu sheegay madaxweyne siilaanyo in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ka wada-hadlayaan oo keliya arrimo siyaasadeed, xiriir amni iyo wada-shaqayn balse aysan marnaba suurta-gal noqonayn in la bedelo mowqifka Soomaaliland.
Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu sheegay in uu haatan Turkiga u tegayo arrimo siyaasadeed iyo xiriir adag oo dhexmaraya labbada dhinac, isagoo si cad u sheegay in ay dadaal dheer u geli doonaan howlaha gooni isu-taaga iyo madax banaanida.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN