Somaliland oo beenisay inay in Ciidamo kaso goostay ay Puntland isku dhiiben

Somaliland oo beenisay inay in Ciidamo kaso goostay ay Puntland isku dhiiben

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray.

Qoraal caawa ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Radio Daljir ayaa u dhignaa sidan:

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray.

Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Qaranka, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Qaranka Somaliland ah oo meel kale tegay.

Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL.

Qoraalkan ka soo baxay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar warbaahinta qaarkood ku sheegayeen in Ciidanka ka tirsan Somaliland u goosteen Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0