Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo si taxadar leh ula socoto dibadbaxyo ay abaabulayaan siyaasiyiin iyo dowlado

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo si taxadar leh ula socoto dibadbaxyo ay abaabulayaan siyaasiyiin iyo dowlado

Ciidamada ammaanka ee dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa si taxadar leh u muujinaya dibadbaxyo la qorshaynayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo laga baqdin qabo inuu saamayn ku yeesho ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ay dibadbaxyadan dabada ka riixayaan siyaasiyiin xilal ka waayay xukuumadda hadda jirta iyo siyaasiyiin.

Dibadbaxyadan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga soo horjeedo dilalka ay ciidamada dowladda u gaysanayaan dareewalada mooto bajaajka, iyadoo dadka abaabulaya dibadbaxyada ay dhanka kalle iska indho tiroyaan weerarada ay Al-shabaabku ay ka gaystaan magaalada Muqdisho iyo inay dowladda iyo shacabka u wada shaqeeyaan si ammaanka loo sugo.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada ammaanka oo hubaysan in saakay lagu arkayay isgooyska Dabka iyo wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kalle siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur , Yuusuf Garaad, Taabit Cabdi oo horay ay dowladda xilalka uga qaaday, qaarkoodna ka waayay xilal in loo magacaabo ayaa warbaahinta ka sheegay inay dowladda ay ilaaliso madaxbanaanida dhalinyarada oo ay sheegeen in tacadiyo loo gaysto.

Dhanka kalle kama aysan wax darreen ah kama muujin dilalka iyo qaraxyada ay gaystaan Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com