Hargeysa Sadex qof ayuu daad qaaday kadib marki roob xoogan uu qabtay

HomeWararka

Hargeysa Sadex qof ayuu daad qaaday kadib marki roob xoogan uu qabtay

Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa xalay ku geeriyooday saddex Qof kaddib markii Gurigii ay degganaayeen uu Daad qaaday iyada oo

Ciidamo Mushaar la’aan ka cabanaya oo saxaafadda la hadlay
Aqoonyahan Cabdisalaan Daahir: “Muuse Biixi Ciidankiisa Waa innu kasaara G Sool”
Daadka Siri Laanka oo 600,000 Qof Barakiciyey

Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa xalay ku geeriyooday saddex Qof kaddib markii Gurigii ay degganaayeen uu Daad qaaday iyada oo uu Magaalada shalay Roob xoog leh ka da’ay.

Saddexda Qof ee dhintay ayaa kala ah Hooyo iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay oo uu mid ka mid ah dhallanayaa 40 Cisho kaliya.

Dadka degaanka ayaa ku baxay Xaafadda uu shilka ka dhacay waxaana ay ku guul darreysteen in Qoyskaasi laga badbaadiyo Daadka Qaaday.

Guriga ay degganaayeen ayaa lagu sheegay Jiingad ku taallay goob uu taag ka sarreeyo sidaas ayaana biyo ku rogmaday ku qaadeen Gurigooda iyaga oo ku jiray kuna dhinteen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: