Somaliland: Daymada Daljir iyo dareeno dahsoonaa oo Soomaalinimo oo dibadda yimi

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Somaliland: Daymada Daljir iyo dareeno dahsoonaa oo Soomaalinimo oo dibadda yimi

Kaladanbeyn la'aanta ka soo korortay degaanada Somaliland, siiba indhawaale magaalada Hargeysa, ayaa degaanno ka tirsan Togdheer iyo galbeedka gobolka

Warbixin Maamul: Dekedda Garacad & Waddada Wadaagsin ee 3G Corridor
Maxaad ka taqaan ciidamada PSF mise run baa in Taliye Assad Cismaan yahay musharrax Madaxweyne Puntland (dhegayso)
Imaradka oo ka hadlay Lacagti lagu qabtay Muqdisho Muxu yiri ?

Kaladanbeyn la’aanta ka soo korortay degaanada Somaliland, siiba indhawaale magaalada Hargeysa, ayaa degaanno ka tirsan Togdheer iyo galbeedka gobolka Sanaag ka abuuray dareeno aan la dhayalsan karin oo isa soo taraya, kuwaas oo ku aaddan dareen lagu ayidayo ilaalinta midnimada Soomaaliya, loogana horimanayo gooni-isutaagga ay Somaliland u xusulduubaysay muddo soddon sannadood ka badan.

Shacabka degaanadan ayaa u muuqda kuwo si mug leh oo aan waabasho lahayn u abbaaraya dareenkooda ka dhanka ah kala goynta dalweynaha Soomaaliya. Dareenadan oo hore jiray, balse ay adkayd inay dadku ku dhiirradaan, kagana hadlaan fagaarayaasha lagu qaxweeyo ee degaano kamid ah gobolka Togdheer iyo galbeedka gobolka Sanaag ayaa timid kaddib soo shaacbixii diidmada dadweynaha gobolka Awdal, oo si aan qarsoonayn u ayidsan dhowridda midnimada dalweynaha Soomaaliya.

Dhacdooyinkan isbiirsanaya ayaa salka ku haya kaddib markii dadka gobolka Sool ay dhacdooyin ficil leh oo uu dhiig badan ku daatay kaga horyimaadeen Somaliland, taasi oo natiijadii ka dhalatay ay noqotay in 15 sano kaddib xarunta Sool laga taago calankii Soomaaliya, kaasoo si dheeraad ahna loogu sii xardhay fagaarayaasha magaalada.

Inkasta oo Somaliland sheegato in ay xorriyadda hadalka iyo fikirka oggoshahay, haddana cabudhin, xadhig, iyo ciqaabo kale ayaa ay la kulmaan dadyowga gobolada daafaha ee ka aragti duwanaada Hargeysa; balse xaaladaha ayaa hadda u muuqda kuwo ka xuubsiibanaya sidii hore loogu xinneeyey ee xaqiiqada ka xaglinaysay. Waana tan keentay su’aasha shacabka deegaanadaas oo Hargeysa iyo taageerayaasheeda ku noqotay mid aan marnaba hore loo filayn iyo ‘Somaliland ma sii jiri doontaa?’

Daymada Daljir ee dareenada dahsoon iyo warar dihin oo Somaliland ee iska daba imanaya kala soco degelkan Daljir.

Daljir Media | Somalia

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: