Imaradka oo ka hadlay Lacagti lagu qabtay Muqdisho Muxu yiri ?

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Imaradka oo ka hadlay Lacagti lagu qabtay Muqdisho Muxu yiri ?

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Osmaan Al-Xamaadi ayaa sheegay in lacagta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku

Farriin Hoggaanka Suubban: Waa maxay FASAHAADKA ka imaan kara masuuliyadda maamulka iyo maareynta? (dhegayso)
Garaad Cabdullaahi Cali Ciid: “baaq nabadeed macno weyn ma leh … mar haddii aan baaqa lagu sheegin in Muuse uu ciidankiisa kala baxo gobolka Sool” (dhegayso)
Rajadii Gaalkacyo oo fashilka mashruuca jidka Garoowe-Gaalkacyo la galgalanaysa (dhegayso)

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Osmaan Al-Xamaadi ayaa sheegay in lacagta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku qabteen Magaalada Muqdisho aysan ku socon Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Danjire Maxamed waxaa uu sheegay in lacagtaas ay tahay mushaarka Ciidamada dowladda ee ay tababarto Imaaraadka iyo Ciidamada badda ee Puntland.

Dowladda Federaalka ah ayaa shalay diyaarad sidda lacag farabadan ku qabatay Magaalada Muqdisho,waxaana lacagtaas la wareegay Dowladd feedraalka ah iyada oo lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Duuliyaha Diyaaradda iyo labo qof oo la socotay ayaa Ciidamada amaanka ee Garoonka Aadan Cadde u diiday in ay u sheegaan waxa saaran diyaaradda hayeeshee ciidamada la dagaallanka argagixisada ee ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa u galay gudaha diyaaradda waxaana ay baaritaan kaddib heleen Boorsooyin lacag doollar ah oo ku dhow $10Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Saraakiisha Ciidamada dowladda u hadashay ayaa iyaguna sheegay in lacagta mushaarka ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Badda Puntland aysan dhameyn $1Milyan oo doollar lacagtanna ay tahay mid ka badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: