Somaali Cuntay Qaad Sumaysan oo la Kala Dhigay Cisbitaalada Jig Jiga iyo Burco

HomeWararka

Somaali Cuntay Qaad Sumaysan oo la Kala Dhigay Cisbitaalada Jig Jiga iyo Burco

Xildhibaannada Golaha degaanka Magaalada Burco ayaa sheegay in Isbitaalka magaaladaas la dhigay lix qof oo ku sumoobay Qaad laga keenay dhinaca Oroma

Beelo lagu heshiisiiyay Buhoodle (Daawo)
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Xildhibaannada Golaha degaanka Magaalada Burco ayaa sheegay in Isbitaalka magaaladaas la dhigay lix qof oo ku sumoobay Qaad laga keenay dhinaca Oromada Itoobiya.

Sidoo kale Magaalada Hargeysa Isbitaalk ku yaalla ayaa isna la dhigay dhowr Qof iyada oo kuwo kalena la jiifaan xanuunno ay ka qaadeen Qaadka sumeysan ee dhinaca Oromada ka soo galay degaannada Maamulka Somaliland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee ismaamulka Somaliland Itoobiya ayaa iyana sheegay in 36 Qof la dhigay Isbitaalka Magalaada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida,iyaga oo sida ay sheegeen ku sumoobay Qaadka sumeysan ee dhinaca Oromada ka soo galay.

Xildhibaannada Golaha degaanka Magaalada Burco ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay in ay hubiyaan tayada iyo badqabka Qaaqdka dhinaca Oromada ka gelaya Somaliland,ee kaliya aanay qaadan canshuurta laga helo Qaadka.

Waxaa sidoo kale ay ugu baaqeen Dadka Soomaaliyeed in aysan isku cunin Qaadka dhinaca Oromada,waxaana mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha deganaka Burco oo haldyay uu sheegay in Oromada ku hanjabtay in ay Soomaalida qaab aan dagaal ahayn isaga reebeyso sida uu yiri.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: