Somaali Cuntay Qaad Sumaysan oo la Kala Dhigay Cisbitaalada Jig Jiga iyo Burco

Xildhibaannada Golaha degaanka Magaalada Burco ayaa sheegay in Isbitaalka magaaladaas la dhigay lix qof oo ku sumoobay Qaad laga keenay dhinaca Oromada Itoobiya.

Sidoo kale Magaalada Hargeysa Isbitaalk ku yaalla ayaa isna la dhigay dhowr Qof iyada oo kuwo kalena la jiifaan xanuunno ay ka qaadeen Qaadka sumeysan ee dhinaca Oromada ka soo galay degaannada Maamulka Somaliland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee ismaamulka Somaliland Itoobiya ayaa iyana sheegay in 36 Qof la dhigay Isbitaalka Magalaada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida,iyaga oo sida ay sheegeen ku sumoobay Qaadka sumeysan ee dhinaca Oromada ka soo galay.

Xildhibaannada Golaha degaanka Magaalada Burco ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay in ay hubiyaan tayada iyo badqabka Qaaqdka dhinaca Oromada ka gelaya Somaliland,ee kaliya aanay qaadan canshuurta laga helo Qaadka.

Waxaa sidoo kale ay ugu baaqeen Dadka Soomaaliyeed in aysan isku cunin Qaadka dhinaca Oromada,waxaana mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha deganaka Burco oo haldyay uu sheegay in Oromada ku hanjabtay in ay Soomaalida qaab aan dagaal ahayn isaga reebeyso sida uu yiri.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Somaali Cuntay Qaad Sumaysan oo la Kala Dhigay Cisbitaalada Jig Jiga iyo Burco”

  1. Kenyana hasumayso xoolaha geedaha loogurayo sidii adhi jiidaal

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com