Siyaasi u tartamay Xubin kamid ah Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu dilay

HomeWararka

Siyaasi u tartamay Xubin kamid ah Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu dilay

Kooxda argagixisada al shabab ayaa Degmadda Wadajir gaar ahaan Waaxda Tima Cade ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste,

Wasiirki hore ee warfaafinta Somaliland oo Turkiga ku geeriyooday
Saraakiil ka goostay Somaliland oo ku dhawaaqay jamhad ka dhan xukuumadda Somaliland
Saaka & Dunida iyo Jaamac cRaxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Kooxda argagixisada al shabab ayaa Degmadda Wadajir gaar ahaan Waaxda Tima Cade ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste, kaas oo kamid ahaa musharrixiinta u tartamay kursiga hop#33 oo uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay dilka geysteen, hayeeshee ay goobta soo gaareen qaar kamid ah ehelladiisa, iyaga oo goobta ka qaaday meydka.
Sidoo kale Goobta uu dilka ka dhacay waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa Booliska degmada Wadajir, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin dilka degmadaas loogu geystay Maxamed Xuseen Sebriye, waxaana dilkaan uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay dilal qorsheysan ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli qorsho cad u dejin dilalka qorsheysan ee ka dhacay Magaalada Muqdisho oo loo geysanayo mas’uuliyinta ka tirsan dowladda, Siyaasiyiinta, Askarta & Shacabka, dilalkaas oo ay sheegtaan kooxda argagixisada Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: