TPLF oo sheegtay in Ciidamadoodu aysan hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda ay ka helayaan shacabka Tigray

TPLF oo sheegtay in Ciidamadoodu aysan hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda ay ka helayaan shacabka Tigray

Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadoodu hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.

Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa shir jaraa’id oo maalintii shalay ahayd qabtay waxa uu ku sheegay in shacabka gobolka Tigray ay u baahan yihiin cid sugta amnigooda, maadaama wali dhulka Tigray ay ku sugan yihiin Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, sidaasi darteedna aysan TPLF hubka laga dhigayn ilaa shacabka Tigray amnigooda laga dammaanad qaadayo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF.

Horey TPLF waxay ka biyo diiday joogitaanka Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, oo ay joogitaankooda ku xidhay hub ka dhigista TPLF.

Arrinka hub ka dhigista TPLF ayaa qayb ka ahaa qodobadii dhawaan heshiiska ay ku gaareen TPLF iyo dowladda Itoobiya, waxaanad moodaa arrintaasi mid wiiqi karta heshiiskaas maadaama TPLF ay hub ka dhigisteedii ku xidhay inay Eritariya ka baxdo dhulkeeda, dowladda Itoobiyana aysan ka wali ka hadlin joogitaanka Ciidamada Eritariya ee dhulka Tigray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com