Saraakiil ka goostay Somaliland oo ku dhawaaqay jamhad ka dhan xukuumadda Somaliland

Saraakiil dhanka ciidamada oo katirsanaa guutada sadexaad ee ciidamada Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka mid ah gobolka Sanaag.

Saraakiisha ayaa waxaa ka mid ahaa Col. Caare oo dhowaan soo gaaray magaalada Qardho iyo  Jamaal Baaxad oo ahaa abaanduuliyihii guutada sadexaad ee Somaliland, waxaana saraakiishan horay ay taageero uga heleen qaar ka mid ah qabaa’ilka Puntland.

Saraakiishan ayaa sheegay jamhadooda inay tahay mid lagu xoraynayo, sida ay hadalka u dhigeen maamulka Somaliland, waxaana ay kusoo beegmaysaa iyadoo ay jiraan xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ku salaysan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com