Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland oo loga hadlay Xaaladda Abaaraha

Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland oo loga hadlay Xaaladda Abaaraha

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaad walba ka qabsooma Magaalada  garoowe ee Gobolka Nugaal.

Shirka Maanta ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland, Xaaladda Abaaraha, Nabadeynta Saax-maygaag/ Sangejebshe iyo qodobo kale.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga Golaha ugu xilsaarnaa xaaladda Abaaraha, wuxuuna faray in la dardargeliyo dadaalka socda dhinac kasta, dhakhso wax loola gaaro dadka Abaartu saameysay.

Ugu danbeyn Golaha ayaa boggaadiyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, iyaga oo ku baaqay in la dardargeliyo in dhammaan degmooyinka Puntland laga wada hirgeliyo.

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Puntland oo todobaad wala qabsooma ayaa waxaa diirada lagu saaraa hadba wixii dhacdooyin ah ee dhacay iyo xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com