Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Jubaland oo taageeray go,aanka Guddiga FEIT

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Jubaland oo taageeray go,aanka Guddiga FEIT

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadinayay soona dhaweynayay go’aanka Guddiga Doorashooyinka FE

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
GAROWE: ODOYAASHA GOBOLKA NUGAAL OO KA CABANAYA DAD LAGA KAXAYSTAY SIDA AY SHEEGEEN
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo xulis kawadda Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadinayay soona dhaweynayay go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayay Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: