Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhusamareeb

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, kadib sa

Dowladda Turkiga oo soo dhaweysay Ka Laabashada Muddo Kororsiga Farmaajo
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Gaalkacyo oo Qudaarta u Dhoofisa Xamar!

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, kadib safar shaqo oo maalmihii tagay uu ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay dhigiisa Madaxweynaha DKG mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanada labada aqal ee BFS la doortay iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdiisa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, Duqa caasimaadda, wasiiro iyo xildhibaano katirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: