Shirkii Banbaxa Golaha Wasiiradda oo Muqdisho ka socda

Shirkii Banbaxa Golaha Wasiiradda oo Muqdisho ka socda

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay maalintii 3aad, iyada oo lagu wado in gelinka dambe ee Maanta las oo geba-gabeeyo.

Shirka ayaa Ajandeyaasha maanta looga hadlayo waxaa ka mid ah: Qorshaha 100-ka maalmood iyo Saxiixa Axdi Howleedka Wasiirrada & Ra’iisul Wasaaraha.

Saddexda maalmood ee uu shirka socdo ayaa waxaa Shacabka Magaalada muqdisho laga xiray wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda, waxaana lagu arkayaa wadooyinka Shacabka oo si raxan raxan ah u lugeynaya.

Ciidamada Dowladda Somaaliya ayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan Maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ay u diidayaan inay maraan Isgoysyada ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay Shacabka Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com