Maxay kawada hadleen James Swan & Muuse Biixi

HomeWararka

Maxay kawada hadleen James Swan & Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mr. James Swan ayaa waxaa ay yeesheen kulan dhinaca khadka taleefoonka ah

Goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka oo la soo bandhigay
Ajaanib ugaarsanaysa Duurjoogta, oo degmadda EYL lagu arkay (dhegayso)
Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada ka Jirta dalka Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mr. James Swan ayaa waxaa ay yeesheen kulan dhinaca khadka taleefoonka ah, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka ay uga wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka wada-shaqeyneyd maadaamaa Somaliland dhawaan ku dhawaaqday inay hakisay howlihii Hay’adaha QM ka wadeen degaanada Somailand.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliland uu QM hor-dhigay shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay’adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

Todobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay amarro ka soo qaadatay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay doonayeen in Somaliland ka fuliyaan mashaariic aan dan ugu jirin Somaliland.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: