Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay sarkaal ka tirsan Dowladda Hoose.

HomeWararka

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay sarkaal ka tirsan Dowladda Hoose.

Kooxo hubaysan oo afka so duubtay ayaa magaalad Gaalkacyo ku toogtay xalay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee maga

Dahabshil Boston oo Mar Kale $400 kun laga Dhacay
Hagbadleyda Puntland oo ku qoslaysa goolkii ay ka dhalisay Xukuumada Nabad iyo Nolol
Iskudeygii saddexaad 10kii sano ee la soo dhaafay Mudane Dhoobodaareed waa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Kooxo hubaysan oo afka so duubtay ayaa magaalad Gaalkacyo ku toogtay xalay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee magaaladda Gaalkacyo.

Ciidamada Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan oo afka duubtay ay xalay toogasho ku dileen marxuumka, oo ka tirsanaa Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Saraakiish waxay sheegeen, in Kooxdii weerarka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, islamarkaana aysan Ciidanka u suurta-gelin in gacanta lagu soo dhigo.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi loo gaystay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, sida ay qortay warbaahinta Al-shabaab ee afkooda ku hadasha.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: