Dahabshil Boston oo Mar Kale $400 kun laga Dhacay

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Dahabshil Boston oo Mar Kale $400 kun laga Dhacay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boston ee carriga Maraykanka ayaa sheegaya in shirkadda Dahabshil maalinkii Talaadada qori caaraddi looga dhacay la

RW Kheyre, UAE iyo Badaha Soomaaliya: Heshiiska Dekedda Berbera DFS qayb kama aha, lagalama hadlin … (dhegayso)
Deni oo kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe mas’uuliyiin ka socday shirkadda CCECC (Daawo)
Puntland oo 21 jirsatay!

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boston ee carriga Maraykanka ayaa sheegaya in shirkadda Dahabshil maalinkii Talaadada qori caaraddi looga dhacay lacag doolar ah oo kor u dhaafaysa $400,000.

Ilowareedyo ka agdhow Booliiska Boston ayaa sheegaya in rag gangis ah oo isugu jiro Soomali-Maraykan iyo Maraykan ay jidgooyo u samaysteen gaari Dahabshil leedahay oo waday lacag caddaan ah oo ka badan $400 kun. Wararka oo isa soo taraya waxay sheegayaan in qaar kamid ah ragga wax dhacay la soo helay, lana xiray.

3 bilood kahor waxaa la jabsaday khasnadda isla xarunta Dahabshil Boston, waxaana laga dhacay lacag kor u dhaaftay $300 kun.

Sidii loo laalay sharciga lacag-dhigaalka bangiyada USA ee Xawaaladaha Soomaalida, shirkadda Dahabshil iyo waliba shirkadaha kale ee Xawaaladaha waxay si sharciyan ah u aruuriyaan lacagaha xawaaladaha oo caddan ah (cash), markii ay gaarto caddad loogu talagalay ayaa boorsooyin si sharci ah loogu raraa, loona dhoofiyaa bangiyada Dubai ee Imaaraadka iyo bangiyo kale ee bariga dhexe.

Xawaaladaha Soomaalidu ma kiraystaan Booliis ilaaliya xarumaha lacag-dhigaalka, sidoo kalena markii ay lacag daabulayaan ma kiraystaan Booliis ama shirkadaha suga ammaanka lacagaha caddaanka ah ee inta meel laga daabulo meel kale loo daabulo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: