Deni oo kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe mas’uuliyiin ka socday shirkadda CCECC (Daawo)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Deni oo kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe mas’uuliyiin ka socday shirkadda CCECC (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socd

150 Askari oo ka soo goostay Somaliland oo lagu soo haweeyay degmada Ceelbuh (dhegayso | daawo)
Ha Yaabin, Argagixisadu waa Laan Siyaasadda Dibadda ee Dalalka Qaar!
Wacaal Daray: Mooshinkii laga keenay DP World oo fashilmay (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC oo ay hogaaminayeen maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Africa Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti Mr Nui Zengxiang.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, waxaana looga hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkadda CCECC ka waddo Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso oo kulankani lagu xaqiijiyey in la bilaabidoono bisha soo socota ee November 2019.

Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay masuuliyiinta shirkadda CCECC.

Hoos ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: