150 Askari oo ka soo goostay Somaliland oo lagu soo haweeyay degmada Ceelbuh (dhegayso | daawo)

150 Askari oo ka soo goostay Somaliland oo lagu soo haweeyay degmada Ceelbuh (dhegayso | daawo)

Ciidamo gaaraya 150 askari oo ka tirsanaa maamulka Soomaaliland ayaa maanta ku soo biiray ciidamada difaaca Puntland. Ciidamadaan oo wata 7 gaari oo ah nooca teknikada dagaalka ah ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

soodhaweynta ciidamada waxaa ka qaybqaatay maamulka gobolka, kan degmada, iyo saarkiisha amniga Puntland ee Gobolka Sanaag.

Guutadan oo ah guutadii 93aad ayaa ku soo biirtay ciidamada Puntland, kana soo goostay maamulka Soomaaliland ee Hargeysa.

Cali Xuseen Soomaali, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxa uu ku sheegay in ciidamadan ay iskood go’aanka u lahaayeen, ugana soo goosteen maamulka Somaliland.

Hoos kaga bogo.

Hoos ka daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafa Noor 4 years ago

    Ceel maha degmo ee waa magaalo ka tirsan degmada badhan.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com