Shirka Horumarinta Afrika oo weli socda & RW Xamse oo khudbad ka jeedinaya

Shirka Horumarinta Afrika oo weli socda & RW Xamse oo khudbad ka jeedinaya

Waxaa Maalintii labaad Magaalada Tunis ee dalka Tunisia ka socda Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika, waxaana shirka Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi uu ogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi barre ayaa waxaa lafilayaa in shir uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida Amniga & Abaaraha & sidoo kale xaaladaha kajira dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa madaxda ka qeyb galeysa shirka uga warixin doona xaaladaha amni iyo abaarta kajirta Soomaaliya, isaga oo sidoo kale madaxda la yeelan doono shirar docedyo kala duwan.

Shirka Caalamiga ah ah ee horumarinta Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan, waxaana sidoo kale la filayaa in dowladda Japan ay shirka kaga dhawaaqdo lacag ay ku taageereyso dowladda Soomaaliya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com