Maamulka gobalka Hiraan oo amaro culus dul-dhigay Hay’adaha Samafalka

HomeWararka

Maamulka gobalka Hiraan oo amaro culus dul-dhigay Hay’adaha Samafalka

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyeen masuuliyiin ka’tirsan Maamulka Gobalka hiiraan iyo kan Degmada Beledweyne & Agaasimah

Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
Munaasbaad lagu Xusayaay Maalinta HIV AIDSka oo lagu qabtay Gaalkcyo (dhegayso)
Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyeen masuuliyiin ka’tirsan Maamulka Gobalka hiiraan iyo kan Degmada Beledweyne & Agaasimaha Wasaarada Gargaarka Hirshabelle ayaa kulan wadajir ah la qaatay Hay’adaha samafalka ee ka howlgalo Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Hay’adaha ka Dhageeystay warbixino la xiriira waxa aay Bulshada u qabteen oo la taaban karo asigoo carabka ku adkeeyey in maanta loo baahan yahay Gar-gaar Biniadanimo oo buuxa.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa la wadaagay warbixin la xeriirto xaaladaha degaannada laga saaray Al-shabaab iyo dhibaatooyinka ka jiro ee u baahan wax ka qabashada Deg-dega ah si Dadka loo Badbaadiyo madaama inta badana ay ka ba’een Xoolahii iyo beerahii.

Gudoomiye Cali Jeeyte Cismaan ayaa faray Hay’adaha ka howlgalo Gobalka Hiiraan in loo jiheeysto dhanka Wax ka qabashada xaaladaha abaaraha asigoo xusay in Dhamaan Degmooyinka Matabaan, Maxaas, iyo Beledweyne inta badan laga saaray Al-Shabaab lana gaar siin karo dhamaan wax walbo oo adeega Dadweynaha muhiin u ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: