Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigray-ga oo xoogeystay

HomeWararka

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigray-ga oo xoogeystay

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Axmaarada “si ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca m

Dowladda Sri Lanka oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay dalkaasi
MAANHADAL | Maxaa dhexmaray siyaasi Abshir Cabdicasiis iyo Xildhibaan Cawil Daad?
Shir Amniga la xiriira oo lagu qabtay Muqdisho

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Axmaarada “si ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca magaalada iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Tigrayga.

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weeraro iyagoo ka soo galy “jihooyin badan”.

Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega.

Hase yeeshee dadka magaalada ayaa BBC-da u sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: