Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

HomeWararka

Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Ciidamo katirsan kuwa qeybta 21aad ee Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamayay saaacadihii la soo dha

Daljir Minneapolis MN: Xafladda lagu maamusayeey Shine Culay & dareenka bulshadda
TOOS: XULASHADA DALJIR, JANUARY 13-2022 | XASAN BAASHE | DALJIR GAROOWE
PUNTLAND: Nabadoonada oo soo dhaweyey hadalki RW khayre (dhegayso)

Ciidamo katirsan kuwa qeybta 21aad ee Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamayay saaacadihii la soo dhaafay degaanka laba-gale oo deganka Dhabad kaga beegan dhanka Koonfureed.

Ciidamada oo ka tegay Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kala dhex-galay dhinacyada dagaalamay, kuwaas oo isku hor-fadhiyay degaanka laba-gale, si aysan markale u dagaalamin.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in uud ahaan ay xaqiijiyeen amniga degaankii lagu dagaalamay, isla markaana ay wadaan qorsho ay ku kala qaadayaan maleeshiyaadka uu dagaalka dhex-maray.

Dadka degaanki laga dagaalamay ayaa badankood saacadihii la soo dhaafay barakacayay si uusan saameyn ugu yeelan dagaalka, waxaana la filayaa in sarkaaiisha ciidamada dowladda ay kulamo la qaataan Odayaasha dhaqanka labada Beelood si xal looga gaaro colaada soo laab laabatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0