Shir Looga Hadalayo Horumarinta Mahshruuca JPLG Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland (sawiro )

Shir Looga Hadalayo Horumarinta Mahshruuca JPLG Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland (sawiro )

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mr. Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa uu shir guddoomiyey shir looga hadlayo horumarinta mashruuca JPLG mashruucaas oo ah mashruuc lagu horumariyo Degmooyinka Puntland.

Shirkan looga hadlayo horumarinta mashruuca JPLG oo ahaa mid wax badan lagu lafa guray ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dowladda Puntland iyo dhamaan Hay’addaha ay uu khuseeyo mashruucani.

Dhica kale markii warbixin laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo xafiiska Championka ee uu Madaxweyne ku xiigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey madaxa u yahay, ayaa waxaa la’isla qaatay in la dar-dar geliyo horumarinta JPLG.

Sidoo klae Agaasimaha Masaxtooyada Dowladda Puntland ayaa kula dardaarmay dhammaan Agaasimayaasha wasaaradaha Dowladda Puntland in ay muhiim tahay in la dhowro habsami usocdka mashruuca JPLG loogana faa’iido dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Ugudanbayn, Mashruuca JPLG ayaa tan iyo sanadkii waxaa ka faa’iidaystay degmooyin badan, kuwaas oo laga hirgeliyey wadooyin laamiya oo si casri ah loo dhisay, iyadoo mashruucani wax badan kusoo kordhiyo magaalaynta iyo bilicda magaalooyinka laga hirgeliyey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com