Guddiga joogtada ah ee Barlamaanka Somaaliya oo kulan yeeshay (dhegayso/Sawiro)

HomeWararka

Guddiga joogtada ah ee Barlamaanka Somaaliya oo kulan yeeshay (dhegayso/Sawiro)

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka

Ciidanka Kenya oo baadi goobaya Rag katirsan Alshabaab
Dawladaha Soomaaliya Iyo Qatar Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Muhiim Ah (Sawiro)
Go’aamo laga soo saaray shir Golaha wasiiradda Soomaaliya caawa yesheen

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka ayaa loogu hadlay furitaanka kalfadhiga 4-aad iyo sida loo kala hormarinayo shaqooyinka horyaalla golaha shacabka.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay shuruucda hada hortaalla guddiyada golaha shacabka, kuwa aqrinta koowaad iyo labaad maray iyo kuwa hada diyaarinta ay ku socdaan.

Wariye Cabdiraxmaan Waaberi ayaa Warbixintan Muqdisho kaso diray

http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5b842fe60a01001f42b5b346/war+waaberi+kulan+ay+maanta+yeeshayn+gudiga+joogtada+golaha+shacabka++waxaa+looga+hadlay+ajandayaasha+kalfadhiga+ajandayaasha+baarlamaanka+somaaliya+.mp3

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: