Shil Tareen Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay ayaa ka dhacay bariga dalka Iran

HomeWararka

Shil Tareen Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay ayaa ka dhacay bariga dalka Iran

Sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iraan, ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu bariga Iran,ta

Soomaaliya: Tirada dadka laga helay cudurka Karoonaha oo gaartat 14,594 oo qof
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Amray Dardar-gelinta Nidaamka Casriga Ah Ee Diiwaan Gelinta Ciidanka(Sawiro)
Dagaal xoogan oo ka socda Dooxada Panjshir

Sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iraan, ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu bariga Iran,tareen ku qalibmay.

Tareenka oo ay saarnaayeen 348 rakaab ah ayaa ka soo baxay khadka u dhexeeya magaalooyinka Mashhad iyo Yazd oo qiyaastii 50km (31 mayl) u jira magaalada Tabas.

Ku xigeenka madaxa tareenada ee Iran ayaa sheegay in shilkan uu yimid kadib markii tareenku uu ku dhacay goob ay qodis ka socotay oo u dhow wadada tareenka.

Kooxaha gurmadka ayaa ka digay in dhimashadu ay sii kordhi karto sababtoo ah qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ku jira xaalad halis ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: