Dagaal xoogan oo ka socda Dooxada Panjshir

Dagaal xoogan oo ka socda  Dooxada Panjshir

Dooxada Panjshir ee Afgaanistaan oo ah meesha kaliya ee aanan ku jirin gacanta Kooxda Daalibaan ayaanan weli kala caddeeyn cidda gacanta ku hayso xilli uu soconayo dagaal culus.

Warar ay faafiyeen Maleeshiyaadka Daalibaan ayaa lagu sheegay inay qabsadeen aaggaasi, hasayeeshee dagaalyahannada wax iska caabbinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Amrullaah Saalax oo ka mid ah sarakiisha xooggaga wax iska caabbinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay halkaas isaga baxeen, hasayeeshee waxa uu sheegay in xaalku uu adag yahay.

Dagaalka ka soconaya Dooxa Panjshir ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen boqollaal qof oo labada dhinac ah.

Dooxadan oo ku taallo waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, ayaa ah goobta kaliya ee aanan wali gelin gacanta maleeshiyada Daalibaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com