Soomaaliya: Tirada dadka laga helay cudurka Karoonaha oo gaartat 14,594 oo qof

Soomaaliya: Tirada dadka laga helay cudurka Karoonaha  oo gaartat 14,594 oo qof

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Gobolada dalka marka laga reebo Muqdisho.

Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,250
o Laga Helay: 19
o Somaliland: 11
o Puntland: 5
o Hirshabelle: 2
o Jubbaland: 1
o Lab: 11
o Dhedig: 8
o Dhimasho: 5 (Puntland:3, Somliland:2)
o Bogsashada: 60
Tirada Guud ee Laga Helay: 14,594

Bogsashada Guud: 6,639

Dhimashada Guud: 767
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com