Muxuu ku qotomaa Heshiiska xabbad Joojinta ah ee laga gaaray dagaalki Qaza ee Israa’iil iyo Falastiiniyiin?

HomeWararka

Muxuu ku qotomaa Heshiiska xabbad Joojinta ah ee laga gaaray dagaalki Qaza ee Israa’iil iyo Falastiiniyiin?

Heshiis xabbad joojin ah ayaa laga gaaray dagaalki Qaza ka billowday 11-ka May ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Wararka ayaa waxa ay

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
A letter to My beloved Somalia
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Heshiis xabbad joojin ah ayaa laga gaaray dagaalki Qaza ka billowday 11-ka May ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Golaha wasiirada Israa’iil ay xaqiijiyeen iney heshiis xabbad joojin la gaareen dagaalyahanada Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.

Bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada Israa’iil ayaa lagu sheegay in golaha amniga siyaasaddu ay si aqlabiyad leh u aqbaleen soo jeedintii dhammaan saraakiisha amniga, amniga gudaha (Shin bet), amniga dibadda (Mossad), iyo madaxa golaha amniga qaranka, ee ahayd in la aqbalo hindisaha Masar ee xabbad joojinta shuruud la’aanta ee labada dhinac ah oo goor dambe hirgeli doonto.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in xabbad joojinta ay Israa’iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay ‘guul’ shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaartay ra’isal wasaaraha Israa’iil Banjamin Natanyahu.

Cali Barakeh wuxuu sheegay iney maleeshiyaadka Xamaas ay feejignaan ku jiri doonaan ilaa ay dhexdhexaadiyeyaashu ay dhammeystiraan faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta iyo meel markiisa intaba.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu isna xaqiijiyey dagaalka Israa’iil-Qaza in xabbad joojin laga gaaray. Wuxuuna markale sheegay Mareykanka inuu Israa’iil taageerayo si ay isaga difaacdo kooxaha aragagixisada ah.

Dagaalka 11-ka maalmood dhex marayey Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee sababay dhimashada iyo burburka wuxuu xasilooni darro uu ka abuuray bariga dhexe.

Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah oo ay 65 yihiin carruur ayaa lagu dilay tani iyo marka uu dagaalka billaawday. Halka Israa’iilna dagaalkaasi ay uga dhinteen 11 qof oo 2 ka mid ah ay carruur yihiin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: