IOM oo caawisay in ka badan 350,000 oo qof oo ay soo food saartay abaarta ba’an ee ka jidha Soomaaliya

HomeWararka

IOM oo caawisay in ka badan 350,000 oo qof oo ay soo food saartay abaarta ba’an ee ka jidha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa Jimcihii codsatay 66 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo gaarsiiyo in ka badan 1.25 milyan oo qof oo Sooma

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
AKHRISO-Taariikhda Dhalinyaradii Gobanima Doonka ee SYL
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa Jimcihii codsatay 66 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo gaarsiiyo in ka badan 1.25 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool gargaar bini’aadantinimo marka la gaaro Febraayo 2023.

IOM waxa ay sheegtay in ay u baahan tahay dhaqaale degdeg ah si ay u sii wado gargaarka deg deg ah ee la gaarsiinaayo dadka ku sugan Soomaaliyaa ee abaaraha ay halageeyeen.

“Ka jawaabista IOM iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ah mid looga hortagayo natiijada ugu xun, balse baahida ayaa si degdeg ah u kordheysa iyadoo xaaladda abaarta ay ka sii dareyso,” ayaa lagu yiri warbixin ay IOM ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 7.1 milyan oo qof, ku dhawaad ​​kala bar tirada guud ee dadweynaha, ayaa wajahaya heerar taariikhi ah oo abaareed oo ka jira Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa Jimcihii xaqiijiyay in uu helay 260 milyan oo doolar oo loogu talagalay jawaabaha gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya sanadka 2022, taasoo fududaynaysa dadaallada lagu bixinayo gargaar degdeg ah oo nafo lagu badbaadinayo in ka badan 2.8 milyan oo qof oo ay saameeyeen dagaallada socda iyo abaar ba’an oo dalka ka jirta.

IOM ayaa sheegtay in ay sare u qaadayso waxqabadkeeda ayna caawisay in ka badan 350,000 oo qof oo ay abaartu saamaysay – taasoo ah tii ugu darnayd ee la arko muddo tobanaan sano ah ka dib markii afraad oo isku xigta aysan di’in roobabkii.

“Ku dhawaad ​​800,000 oo qof ayaa ku barokacay abaarta tan iyo horraantii 2021, ugu yaraan nus milyan ka mid ah ayaa ku barokacay afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan. Haweenka iyo carruurta ayaa 80 boqolkiiba ka ah dadka cusub ee soo barakacay,” ayaa lagu yiri Warbixinta.

“Soomaaliya waxa ay safka hore kaga jirtaa isbadalka cimilada iyadoo sanadkasta ay noqoneyso mid aan la saadalin karin xaalada cimiladu, dhibaatada cimiladu waxa ay ka badan tahay qaar ka mid ah dadaalada lagu badbaadinayo nolosha iyo maciishada dalka” ayay tiri IOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: